3 qaab oo aad iskaga ilaalin kartid caajiska, dib udhigashada iyo hore usocod la’aanta.

Axad wanaagsan, Asbuucan waxaan akhrinayaa buug la yiraahdo “The 4-hour work week” oo uu qoray Timothy Ferriss oo ah qoraa caan ah sidoo kale waxa uu leeyahay podcast caan ah oo aad loo dhegeysto. Buuggaan waxa uu badalay dad badan noloshooda oo uu kamid yahay Ali Abdaal oo nin YouTuber ah oo aan mar badan idin la wadagay magaciisa.

Waa buugga aan akhrinaayo – The four hour work week

Sidaas daraadeed, waxan kula wadaagayaa 3 qaab oo kaa caawin kara in aad guuleysto, aan bilaabno;

Cabsi > Baahi: Tim waxa uu leeyahay ;

jumladaan bal aan fahamno. Waligaa ma is weydisay waxa aad ka caajisantahay ama aad dib u dhiganeyso sababta aad dib uga dhigeysid?… Jawaabta waxaa un ay kusoo aruuri in aadan ku dareemeynin nabad gelyo dareen oo macnaheeda yahay in aad ka cabsaneyso. Tusaalahaan baan usoo qaadaneynaa; waxaan bilooyinkii ugu dambeyey ka fekereynay in aan xafiis u furno shirkadeena, laakin mar walba waxan dareemayey in aan la gaarin waqtiga saxda ah! Bari dhoweed ayaan Journaling ka sameeyey, waxaana isoo baxday, in aan 80% ubaahanahay hadeertan waxa iga hortagan ay tahay un cabsi. Hadaba, Tim waa runtiis, wixii aan ka cabsano wan u baahanay ee adi maxad ka cabsaneysaa in aad sameyso?

Gub doomaha:

Qaabkee looga guuleystaa caajiska iyo dib udhigashada? Jawaabta waa iska ilow cudur daar kasta ( cabsi kasta). Sheeko waxaa jirto Europe caan ka ah, oo ku saabsan tariq bin siyad oo mar uu qolo gaala ah la dagaalamayey baa waxa uu amray in lagubo doomaha markaas buu ciidamada ku yiri,

Sheekadan marka aan baaray asal ahaan ma sugna, lkn cashar baa ku jira oo ah, si aad uqabato wax walba oo aad rabto ka saar noloshaada cudur daar kasta oo gub doomaha!…

U guuldareyso si qurxoon ( Fail better):

qaacido waxa jirto ku jirta buugga “The 4-hour work week” oo uu tim leeyahay, “Sameynta waxa aan suurta galka aheyn ayaa ka fudud sameynta waxa suurta galka ah” soo cajiib ma ahan? Macnaha jumaladan waa sida tusalahan oo kale, “waxan rabaa in uu Bill gates ama joe biden iga iibsado accountability coaching-ka aan sameyo”. Ma aqaano sida ay suurta galka ku tahay lkn wax walba waa surta gal ee adi un ha isdhiibin.

Tusaale kooban, 3 sano ka hor ma aminsaneen in qoflacag uu ku bixin doono coaching-keyga ama guud ahan barnaamijteyda sababta waxa ay aheed in aan qabay cudur la yirahado “Imposter syndrome” oo xanuun nafsi ah oo la xiriira kalsoonida uu qofka isku qabo, lkn alxamdullilaah hada100% wan aaminsanahay in aan caawin karo qof walba.

Waa ku mahadsantahay akhrintaada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *